Al-Shabaab oo War kasoo saaray Qaraxyo iyo Dilal ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay Qaraxyo iyo Dilal saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxyo Miino loo adeegsaday ayay Shabaab sheegeen in gaadiid ay wateen ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Degmooyinka Hodan iyo Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale. Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa xalay maqribkii waxa ay deegaanka Weydoow ee galbeedka Magaalada Muqdisho ku dileen 2 askari oo katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Shabaab ayaa kordhiyay maalmihii dambe qaraxyadda iyo dilalka ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho, xili Dowladda Soomaaliya ay waqti ku bixinayso sugidda amniga Magaalada Muqdisho.

IDIL NEWS