Garoowe: Madaxweyne Deni oo maanta la kulmaya Safiirada Wadamada Yurub

GAROOWE (IDIL NEWS)-Safiirada Wadamada Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Safiiradan ka socda Wadamada Yurub ee imaanaya Garoowe, ayaa waxaa Hoggaaminaya Danjiraha Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya, Iyagoona kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe, si uu ula kulmo Safiirada Midowga Yurub.

Wefdigan iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka wada-hadli doona arrimaha la xiriira dhinacyada amniga Siyaasadda iyo Taageerada Dowladda Jarmalka iyo guud ahaan Waddamada Yurub ay siiyaan Puntland iyo Mashaariicda Horumarineed ee ay ka fuliyaan gudaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah wada-hadal ula yeelan doona safiirka dowladda Jarmalka, iyagoona ka wada-hadli doona mashruuc ballaaran oo dowladda Jarmalku ay fulinayso kaasi oo hab-casri ah loogu dhisayo isbtitaalka guud ee Magaalada Garoowe iyo sidoo kale Mashruuca Dhismaha Wadada Garoowe_Gaalkacyo oo istaagay kadib markii dowladda Jarmalku ay xukuumaddii hore Puntland ku eedaysay daah-furnaan la’aan.

IDIL NEWS