Madaxweynaha Jubbaland oo furay Shirka Dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya (Daawo)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galay Dhamaan Dowlad Goboleedyada dalka, Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada howshan ku lugta leh.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in khilaafka la xiriira awoodaha uu jirayo inta Dastuurka dalku uu qabyada yahay in la dhamaystirana ay lagama maarman tahay waxaa uu intaas ku daray in Barnaamijkan ay tahay in Soomaalida iyo dadka aan maslaxadooda u ordaynin loo daayo si wax miro dhal ah ay uga soo baxaan kala fikir duwanaantana lagu xaliyo si wadar ogol ah.

Waxaa kale oo Madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ay masuuliyad ka saaran tahay howshan loona baahan yahay in dhabarka loo rito si Dowladaha iman doona aanay iyaguna dhamaystirkiisa wakhtiga ugaga lumin.

Daawo.

IDIL NEWS