Ra’iisulwasaare Kheyre oo Magacaabay 3 Wasiir

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre, ayaa Goor-dhaweyd Magacaabay saddex Wasiir oo ka mid noqonaya golaha Xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo xilalkooda ay banaanaayeen.

Wasiirada uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala ah;

Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fowsiya Maxamed Sheekh

Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, oo ah Xildhibaan ayaa laga soo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo loo dhiibay Xildhibaan Saadiq Warfaa, halka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta Fowsiyo oo ah Xildhibaanada ay buuxisay booskii uu hore u baneeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/caziiz Lafta-gareen.

IDIL NEWS