Shirka Guddoonka Baarlamaanada Soomaaliya oo ka furmaya Garoowe (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, halkaas oo uu ka furmayo shirka Shanaad ee Afhayeenada Shirci dajiyeyaasha Soomaaliya.

Waftiga uu Hoggaaminayay Guddoomiye Cawad, ayaa waxaa kamid ahaa  Guddoomiyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboledyada Hirshabeelle, Koofur  Galbeed iyo Jubbaland, waxaana shirkan ka maqan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland C/xakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, oo waftigan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garoowe, ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan Shirkii Shanaad ee Afhayeenada Sharci-dejiyayaasha Soomaaliya, kaas oo berri ka furmay Caasimadda Puntland, socon doonana Saddex Maalmood.

Daawo.

IDIL NEWS