Madaxweynaha Jubbaland: Dastuurku wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan (Daawo)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay jahwareerka ugu badan ee dalka ka jira uu yahay Dastuurka oo aan weli heshiis dhab ah laga gaarin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dastuurka uu yahay wax dad ku heshiiyay oo bulsho ku dhaqanto, balse dastuurka qabyada uu weli yahay mashruuc aan dhamaan oo marba qolo ay meel u wadato.

“Dastuurka wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan oo marba meel qolo u wadato wey adag tahay in dowladnimada sal dhigato inay wax ku heshiiso waa adag tahay in is qabqabsiga la daayana waa adkaaneysa, inta Dastuurka uu qabyo yahay sidaas baa dabada isku heysaneynaa, haddaan runta la sheegay oo heshiis dhab ah laga gaarin”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weli la isku haayo qodobada qaar ee Dastuurka, isla markaana dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada is hayaan, sida awoodaha sida loo kala leeyahay illaa iyo hadda aan lagu heshiin,

“Haddaan wax dhab ah la helin oo aan la dhameystirin Dastuurka oo wax bulshada ku heshiiso la helin is qabqabsiga ma deyneyno”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shalay maanta ka qeyb galayay furitaanka shirka Dib u eegista Dastuurka oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Daawo.

IDIL NEWS