Lataliyihii Amniga Qaranka oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha Washintong

New York (IDILNEWS). La-Taliyaha Amniga Madaxweye Farmaajo Abdi Said (Holland) iyo Agaasimaha hogaanka dhaqaalaha Nabadsugidda Abdullahi Kulane (Maraykan) oo markii ay Maraykanka tageen loo diiday in Garoonka ka baxaan.

Labada masuul,ayaa la weydiiyey RW Kheyre in diyaaradda lagu celiyo iyo in Garoonka loogu hayo inta uu soo dhamaysanayo booqashadiisa,waxayna ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen in Khayre qaatay go’aan ah in loogu hayo Garoonka.

Labadaan Nin,ayaan lagu arag shirarka RW Kheyre waxaana lagu hayaa oo Garoonka.

Horay waxaa looga reebay waftiga Rw Khayre Fahad Yaasiin oo ah Agaasime xigeenka Nabadsugida Somaliya,waxaana lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Bole Adis-ababa.

Talaabooyinkan,ayaa muujinaya sida ay caalamku ula socdaan xaalada gudaha ee Somaliya,gaar ahaan masuuliyiinta Dowlada Fadaraalka.

Sidoo kale waxay banaanka soo dhigtay khatarta shaqsiyaadka lagu aaminay masuuliyada Qaran.

Jibril Qoobey.