Maraykanka oo soo celinaya siyaasadii laba wajiilaynta Ee Somaliya

Maraykanka oo sheegay in uu deeqaha uu siiyo somaliya uusan soo marsiin doonin hada kadib dowlada fadaraalka toosna usiin doono maamulada ay khusayso..

Waa talaabo dhabarjab ku ah Dowlada Vila Somaliya oo isku qaadatay in ay kaligeed wax hogaamin karto.isla markaana is inkirsiisay doorka Maamulada dalka.

Talaabada Maraykanka waxaa raaci doona sida la filayo beesha caalamka kale ee deeqaha siiya Somaliya.

Maraykanka,ayaa horay ubadalay siyaasadisii laba wajiilaynta ee Somaliya ku wajahnayd,balse waxaa hada muuqata in ay quus kasoo istaageen hogaaminta Dowlada dhexe.

Talaabadan waxaa soo dhaweeyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.