Puntland oo xareysay Ciidanka Booliska Saldhigyada Boosaaso (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa xareysay Ciidamada Boolis eek a howlgalayay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, si loogu sameeyo dib u habeyn.

Ciidanka la xareeyay oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil ku-xigeeno iyo dabley, ayaa tiradoodu gaareysay 300 oo Askari, kuwaas oo la sheegay in ka howlgalayeen Saldhigyada Booliska Magaalada Boosaaso.

Ciidanka oo lagu xareeyay xerada Tababarka ee Ciidanka ee Degmada Carmo, ayaa la barayaa la dhaqanka Shacabka, si ay ula falgalaan Shacabka Magaalada Boosaaso, maadama haatan uusan wanaagsaneyn Xiriirka Ciidamada iyo Shacabka ka dhexeeya.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Axmed Kulan, oo Munaasabad lagu sagootinayay Ciidanka ka hadlay ayaa Sheegay in Tababarka Ciidanka la galinayo ay timid kaddib markii ay arkeen baahida loo qabo in Booliska la baro la dhaqanka Bulshada, uuna ku amray Madaxweynaha Dowladda Puntland in dhamaan la tababaro Ciidanka Booliska ah ee Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS