Taliyaha Hay’adda NISA oo Dhowaan la Magacaabayo.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka oo muddo 7 bilood banaanaa.

Wasiir Ducaale oo shalay su’aalo lagu weydiiyay kulankii Baarlamaanka ee albaabada u xirnaa ayaa sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono Taliyaha Hey’adda Nabadsugida, isla markaana ay socoto howshaas.

Xilka Taliyaha Nabadsugida ayaa waxaa markii u dambeysay bishii October ee sanadkii hore 2018 iska casulay Xuseen Cusmaan Xuseen (uurkuus), kaasoo xilkaas hayay muddo todobo bilood.

Hey’adda Nabadsugida ayaa xilligan leh Taliye kuxigeen kaliya oo ah Fahad Yaasiin ahna Sii Hayaha xilka Taliyaha, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay soo baxayay hadal heyn ku aadan shaqsiyaad loo wado xilka Taliyaha NISA.

Labadii sano ee u dambeysay Hey’adda Nabadsugida ayaa waxaa soo maray Labo Taliye, tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Farmaajo.

IDIL NEWS