Guddiga Ardeyda Dugsiyada Sare Ee Puntland oo baaq udiray Ra’isalwasaare Khayre

Ku: Raysal Wasaare Hassan Ali Khaire 
Og: Madaxwene Mohamed Abdullahi Farmajo
Uj: Hadalkii Gafka ahaa ee Wasiir Goodax Barre

Mudane Raysal Wasaare,

Puntland waa Gobol Gobol Federal ah oo Soomaliya ka mid ah. Qodobka 54aad ee awood qeybsiga Dastuurka Soomaliyeed wuxuu qeexayaa awoodaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

1.Waxaa nasiib darro ah in Wasiir aan wax talo, tayo iyo agab toon ah ku lahayn waxbarashada iyo barbaarinta ardeyda Puntland uu maanta dhaleeceeyo nidaamka waxbarashada Puntland.

2. Wasiir Afbalaar Goodax wuxuu ku sheegay Waxbarashada Puntland mid ah Shahaado suur

Waxaan kaa codsanaynaa inaad talaabo waafi ah ka qaaddo aadna raali gelin ka bixiso hadalkaas aan loo meel dayin ee takoorka ah.

Bishii 26kii Bishii July 2018 waxaad xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Candiraxmaan Daahir Cusmaan kaddib markii uu yiri ma aqoonsani shahaadooyinka Jaamacadaha Muqdisho. Afbalaar Goodax wuxuu cambaareeyey Gobolkii ugu weynaa ee Soomaliyeed,

Waalidiintoodii iyo Arday gaareysa kumanaan kun. Waxaan adiga iyo Madaxweynaha ka fileynaa in si deg deg ah xilka loo qaado shakhsigaas ka hoseeya inuu qabto hogaanka Waxbarashada Dalka. Waxaan sugeynaa jawaabtiina muddo saddex berri ku siman.

Guddiga Ardeyda Dugsiyada Sare ee Puntland 
Garowe, Puntland Soomaaliya

Mahadsanid,