War deg-deg ah:-Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland oo ku kulmaya Imaaraadka Carabta.

Waxaa goor dhaw bilaabanaya kulan ay kasoo shaqeeyeen masuuliyiinta Dowlada Imaaraadka Carabta,kaasoo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne Deni oo qorshahiisu ahaa in uu usoo anba baxo Kenya,ayaa baaqday kadib markay sidaa ka codsadeen masuulyiinta Imaaraadka.

Dhanka kale Madaxweyne Muuse Biixi,ayay masuuliyiinta dalka Imaaraadka udireen diyaarad kasoo qaaday Hargaysa.

Labada Madaxweyne,ayay Dowlada Imaaraadku ku saartay cadaadis in ay yeeshaan kulan.

Isku soo wada duuboo goor dhaw,ayuu bilaabanaya kulankooda,waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo hordhac ah.

Lasoco wararka danbe.