Kulamo xasaasi ah kana dhan ah Dowlada Fadaraalka oo ka bilowday Nayrobi

NAYROBI (IDILNEWS). Nayrobi waxaa si rasmi ah uga bilowday kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaan Fadaraalka Somaliya ,siyaasiyiin horay xilal usoo qabtay iyo madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah.

Shirkan oo ka furmay Hotel Pan-Africa,ayay wararku tilmaamayaan in uu soo abaabulay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Maxamed Cabdi Gaandi.

Xubnaha ugu cad-cad ee ka dhex muuqda waxaa laga xusi karaa ,hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo xubno kale.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo hada laba sano iyo bar jirsatay,ayaan wax la taaban karo ka qaban dhamaan qodobadii loo doortay ee horyaalay,kuwaasoo ay ugu waa weynaayeen:-


1.Ka saarida Alshabaab guud ahaan Dalka.
2.Dib u Eegista iyo dhamaystirka Dastuurka Fadaraalka.
3.Dhamaystirka wadahadalada Somaliland iyo Dowlada Fadaraalka.
4.Hirgalinta dalkoo idil doorasho Hal-Qof iyo Hal Cod.
5.Qaybsiga Khayraadka Dalka.

Dhanka kale waxaa ku shirsan iyaguna Nayrobi madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka sida Puntland,Jubaland iyo GALMUDUG,iyagoo durba kulan xasaasi ahaa la qaatay beesha caalamka.

Waxaa muuqata in Dowlada Farmaajo uu hogaamiyo wakhtigeedii gabagabo yahay iyadoon haba yaraatee waxba ka qaban arimihii horyaalay sidaa daraadeedna ay tahay in mustaqbalka dalka laga arinsado sida ugu dhakhsiyaha badan.

Sidoo kale beesha caalamka waxay yaqiinsatay faashilka ku dhacay Dowlada Fadaraalka laba sano iyo bar kadib.