Qarax ka dhacay Wadada Tarabuunka Ee Muqdisho

MUQDISHO (IDILNEWS).Qarax gaar lagu soo xiray ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Tarbuunka ee degmada Hodan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa,ayaa lagu xiray Gaari waxaana wararku sheegayaan in uu ka badbaaday qofkii watay Gaarigaas.

Balse waxaa ku dhaawacmay laba qof oo shacab ahaa.mana jirin wax dhimasha ah oo la xaqiijiyay ilaa iyo hada.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa gaaray halka qaraxaasi ka dhacay, waxayna ka bilaabeen baaritaanno.
Tirada qaraxyada ka dhaca Muqdisho,ayaa sii batay sanadkan,waxayna umuuqdan xiligan kuwo ka xoog batay awooda laamaha amaanka Dowlada Fadaraalka Somaliya.