Video:-Faysal Rooble oo iska fogeeyay in uu diinta ku dhaqankeeda diidan yahay

Aqoon yahan Faisal Roble oo xaley Garoowe kaga faalloonayey federaalisimka Soomaaliya, ayaa la weydiiyey -Maxaad u tidhi daka diin laguma dhiqikaro?- oo uu mar hore sheegay.

Wuxuuna ku jawaabay;

“Waxaan filayaa in aanad wada maqal fariinteydii intaas -I WOULD SAY NO- laga jaray, waxaan ka hadlayey sida dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah ay dhaqankeenna iyo halgankeenna markasta asal ugu ahaayeen tusaale Axmed-Guray, Sayid-Maxamed, SYL, waxaan idhi;Haddii aad doonaysaan xukunkii Cabdirashiid Cali Sharmaake ee nuxurkiisu ahaa islaamka HAA, dalka waa lagu dhiqikaraa. Lakin Tan dadka waalan ee dadka dhibaya NO !….Anigu waxaan aaminsanahay in qofka luuqaddiisa, dhaqankiisa iyo waliba diintiisu 100% ay ka joogto……Dowlad ma dhisan karno bilaa diin, weli laynama fahansiin sida diinteennu asalka ugu tahay dowlannimada iyo wanaagga,…waxyaabaha Jannada lagu galo adeegga bulshada ayaa kamid ah, diinteenna ayaana nafaraysa”.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2590350834327827&id=100000588062266