Video:-Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in Baarlamaanku laalay amarkii Deg-dega ahaa Ee Muuse Biixi saaray Sanaag

Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir Gudoominayay Afhayeenka Golaha Baashe Maxamed Faarax, oo ay kusoo xaadireen 107-xildhibaan si wadajir ah labada Gole, ayay xildhibaanada badankoodu kaga soo horjeesteen go’aanka Madaxweyne Biixi.

Shirgudoonka Golaha,ayaa markii uu ogaaday in ay badan yihiin xildhibaanadda go’aanka Madaxweynaha ka soo horjeedda soo xiray kalfadhigii,isla markaana balamiyay maalinta sabtidda ah Xildhibaanada,taasoo buuq iyo sawaxan xoog leh ay ka dhalatay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro,ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in baarlamaanku si aqlabiyad leh udiiday amarkii deg-dega ahaa ee uu soo rogay Madaxweyne Muuse Biixi,hoos ka daawo muuqaalka.

.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka