Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Carmo

Sadex qof,ayaa geeriyootay 9-kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay duleedka degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Shilka Gaari,ayaa ka dhashay Gaari kuwa dadweynaha ah iyo mid Booyad ah sida ay muujinayaan sawiro goobta laga soo qaaday.

4-qof oo dhaawac ah,ayaa xaalkoodu aad u culus yahay, dhamaantoodna waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Bilcil ee Degmada Carmo, dhaawacyada culus ayaana lagu wadaa in loo qaado Magaalada Boosaaso saacadaha soo socda.

Gaariga Raaxada ah Ee Dadka Badani ku Dhinteen,ayaa Safar u ahaa Magalada Garowe.

Alle ha u naxariisto inta ku dhamatay inta dhaawacantayna alle ha u booga dhayo