Trump oo soo dhaweynaya qaar ka mid ah soogalootiga

Madaxweynaha Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixiyey qorsheyaal ku aaddan nidaamka socdaalka ee Maraykanka kaas oo tixgalin gaar ah siinaya dhallinyarada, dadka sida wanaagsan wax u bartay, iyo shaqaalaha afka Ingiriisiga yaqaan.

Hadal uu ka jeediyey Aqalka Cad, ayuu ku sheegay in la joojin doono nidaamka haatan jira ee tixgalinta gaarka lagu siiyo dadka calaaqaadka dhanka qoyska ku yimaada Maraykanka.

Waxa uu sheegay in la xoojin doono ammaanka xuduudda tallaabo adagna laga qaadi doono dadka magangalyo doonka ah.

Saraakiil sar sare oo katirsan xisbiga dimuquraadiga ayaa fikradihiisa ku tilmaamay kuwo “aan wax kasoo qaad lahayn”.