Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Gaalkacayo, May, 19, 2019: Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qaarkamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir

“Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya balanqaadkii dowladda ee ahaa in ahmiyadda koowaad, labaad iyo sadexaadba lasiiyo arrimaha Amniga dalka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacayo waxa uu kulamo noocanoo kale ah la qaadandoona qaybaha kale ee bulshada.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.