Wararkii ugu danbeeyay Wasiirada iyo xildhibaanada ku xaniban Nayrobi

Dowlada kenya waxay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyata ku xanibtay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan golayaasha xukuumada Fadaraaliga ah ee Somaliya.


Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Nayrobi,ayaa tilmaamaya in wasiirada qaar ay ka baxeen garoonka,kadib markay isticmaaleen Basabooradoodii ajaanibka ahaa,halka kuwa aan haysan Basabooro Dalal shisheeye ku xaniban yihiin garoonka.


Masuuliyiinta ka baxay garoonka iyo kuwa ku xaniban,ayaa kala ah……


1.Wasiirka Qorsheynta Jamaal waa laga diiday in Passport Diplomatic ah loo saaro visa, kadibna wuxuu lasoo baxay Canadian.


2.La-taliyaha amniga Madaxweynaha Abdi Said waa laga diiday diplomatic waxuu lasoo baxay Netherlands.


3.Wasiirka Caafimaadka Fowsiya waa laga diiday diplomatic Passport, waxay lasoo baxday passport Talyaani ah.


Waxaa Garoonka Jomo Kenyatta ku haray oo xaniman”.


1. Senator Ilyaas Cali Xasan

2. Senator Zamsam Daahir


Dowlada Kenya,ayaan wali si cad uga hadlin talaabadan sababaha ay u qaaday,balse waxa lagu tuhmayaa in talaabadan ay ka danbayso xirirka labada Dal ee maraya heerkisii ugu xumaaa.


Si kastaba ha haatee waxay waji gabax ku tahay hab dhaqanka Kenya Umada Somaliyed iyo Qaranimadeeda.