Safiiradii Somaliya Ee Masar iyo Sudan oo loo yeeray

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowlada Fadaraaliga ah ee Soomaaliya,ayaa muddo todobaad gudahood uqabatay in ay dalka ku soo galaan Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Masar iyo Sudan C/qani Maxamed Waceys iyo C/risaaq Shoole.

Ujeedada loogu yeeray Safiiradan ayaa si rasmi ah loo ogeyn,balse waxay xogo hoose sheegayaan in la bedeli doono.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan C/risaaq Shoole,ayaa sanadkii hore loo magacaabay xilka Safaaradda,horayna waxuu uga mid ahaan jiray agaasime ku-xigeenada Madaxtooyada Villa Somalia. ee aadka ugu dhowaa Fahad Yaasiin.

Wali xog rasmi ah lagama hayo Cabdirisaaq Shoole in Safaarad kale loo magacaabi doono iyo in uu shaqo gudaha uqaban doono Fahad Yaasiin oo ah mulkiilaha Dowlada Villa Somaliya xiligan fadhida.

C/qani Maxamed Waceys oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta,ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore.

Danjire Cabdiqani,ayay isku beel yihiin Safiirka cusub ee Sacuudiga maanta loo magacaabay Cabdixakiin Ibraahim,waxayna ubadan tahay in ay saamaysay awood qaybsiga beeleed ee 4.5.