Madaxa Barnaamijka JLPG oo la kulmay Madxaweyne xigeenka Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Qardho kulan kula qaatay Maamulaha Mashruuca JPLG ahna Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’ada ILO Mr Mark.

Madaxweynaha ayaa kulanka waxaa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Dawlada Puntland iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Jubba Ali Nuur, Duqa Degmada Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan iyo madax kale oo ka tirsan Dowlada.

Madaxweyne Karaash iyo Mark,ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Mashaariicda JPLG oo ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee Puntland ka socda.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen sidii loo balaarin lahaa deegaanada laga hirgelinayo mashaariicdaas.

Madaxweyne Axmed Karaash,ayaa Ka codsaday Mr Mark in ay kala shaqeeyaan sidii Dowlada looga caawin lahaa dayactirka iyo dhisida wadooyinkii ay burburiyeen roobabkii guga.