Kulan dhexmari lahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo baaqday

Waxaa baaqday kulan dhexmari lahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka oo loo balansanaa in uu ka dhaco Nairobi,ayaan qabsoomin,sababo lagu sheegay wakhtiga oo ciriiri ku noqday Madaxweyne Deni dartiis ah.

Deni ayay ahayd in uu gaaro Nairobi ugu danbayn maanta,balse uma suurtoobin sida ay noo xaqiijieen masuuliyiin lagu kalsoonaan karo xogtooda.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo horay ugu sii sugnaa Nairobi ,ayaa maalinka Axada ah kasoo tanba bixi doona dibna ugu laaban doona Kismaayo xarunta KMg ah ee Jubaland.

Labada madaxweyne ayay ahayd in ay kawada xaajoodaan arimo muhim ah,waxaana xogaha aan helayno ay sheegayaan in kulankoodu uqabsoomi doono sida ugu dhakhsiyaha badan,inkastoo aan la cadayn halka uu ka dhici doono.

Puntland iyo Jubaland,ayaa leh xiriir dhinacyo badan oo sal adag.