Madaxweyne Deni oo kusoo fool leh maalmaha soo socda Puntland

Madaxweyne Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa laga sugayaa caasimada Garowe labada maalmood ee soo socda.

Madaxweynaha oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya caasimadiisa Adis-ababa,ayaa halkaas kulamo kul lahaa Madaxda dalkaas.

Arimaha ugu waa weynaa ee looga xaajooday fadhiyada dhexmaray waftiga Puntland iyo Masuuliyiinta Itoobiya,ayaa waxaa laga xusi karaa…

B.Amniga.
T.Ganacsiga.
J.Xaalka guud ee Geeska.

Madaxweyne Deni oo ay la socdaan masuuliyiinta Shirkada diyaaradaha Itoobiya,ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Puntland Maalinka Jimcaha ama subaxa hore ee Sabtida

Masuuliyiinta shirkada diyaaradaha Itoobiya,ayaa u imaanaya Puntland qiimaynta duulimaadyo ay ka bilaabi doonto diyaaradooda.

Madaxweyne Deni,ayaa furi doona kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland oo ku aadan maalinka Sabtida ah.sida Dastuurku qabo.