Amb. Donald Yamamoto “Mareykanku wuxuu garab taagan yahay Danaha Dowlad Gobaleedyada” (Daawo)

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya.

Danjire Donald Yamamoto, ayaa ku tilmaamay arrin adag khilaafka Dowladda Fedeaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, Isagoona xusay inuu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Labada dhinac, kuwaas oo uu kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dabada dheeraaday.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay ilaalinta danaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyadoon meesha laga saareyn muhiimada iyo Doorka Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii, Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa ugu baaqay Dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya inay ka faa’ideystaan waqtiga, Sidoo kalena ay xal ka gaaraan Khilaafka ka dhex jira si Dalka looga samata bixiyo dhibihii uu soo maray.