VIDEO: Madaxweynaha DDS “Itoobiya waxaa ka jira Dagaal iyo Loolan”

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa shaaca ka qaaday in dagaal iyo loolan adag uu ka dhexeeyo Qoomiyadaha Dalka Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar oo la hadlayay Shacabka Gobalka Doollo, ayaa sheegay in xaalad cakiran ay ka dhex jirto Qoomiyadaha Dalka Itoobiya, taas oo saldhig ay u tahay in Qoomiyad walbaa ay dooneyso inay ilaashato dhaqankeeda, Diinteeda iyo Hidihii ay soo laheyd.

Madaxweynaha DDS Mr. Cagjar, ayaa tilmaamay in Dagaalkaas iyo loolankaa mid la nooc ah uu ka dhex jiro Shacabka Gobalka Doollo, kuwaas oo ayaga oo ka tagaya Magaca, Midabka, Diinta, Dhaqanka iyo Hiigsiga ay wadaagaan, isku kala saaraya Beel beel.