Madaxweyne Xaaf oo laga yaabo in uu iskaga baxo Dhuusamareeb

Xaaf ayay ubadan tahay in uu iskaga baxo Magaalada Dhuusamareeb oo uu gaaro Hobyo ama Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf,ayaa la filayaa in uu shir jaraaid oo kulul oo qabto saacadaha soo socda marka uu gaaro labadaa magaalo midkeed.

Sidoo kale waxaas oo gaaray Dhuusamareeb Ciidamo xoog leh oo daacad u ah Madaxweyne Xaaf.

Dhanka kale Ahlusunna iyo Dowlada dhexe waxaa hadda wadahadal uga usocda dhuusamareeb waxayna xogo hordhaca oo laga helayo kulankaas sheegayaan in ay isku raaceen doirasho Madaxweyne in ay ka dhacdo Galmudug.

Ahlusuna,ayaa dhankeeda shardi ka dhigtay in doorashadaas lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaas.

Madaxweyne Xaaf,ayaa qaba in xili hogaamineedkiisu ku eg yahay 3-sano kadib,iyadoo laga bilaabayo markii ay midoobeen Ahlusuna.

Dowlada Dhexe.ayaa iyaduna dhankeeda ku doodaysa in bisha soo socota 6-deeda ay ku eg mudo xileedkii Madaxweyne Xaaf.

Waxaa muuqata in Dowlada dhexe faragalin xoog leh oo ay u adeegsanayso dhaqaale ay ku hayso maamulka Galmudug