UPDATE: Madaxweyne Xaaf oo loo diiday inuu ka baxo Dhuusa-mareeb

Kulamo aan loo kala kicin ayaa maalintii Saddexaad uga socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir  iyo Guddoomiyaha Guud ee Kooxda Ahlu-sunna.

Kulamada oo aan weli wax natiijo ah kasoo bixin ayaa ka socda Magaalada dhuusamareeb,waxaana la sheegay in inta badan wada-hadallada ay isugu soo dhawaadeen Wafdiga Wasiirka iyo Madaxdii ahlusunna ee ku biirtay Maamulka Galmudug, hayeeshee Madaxweyne Xaaf uusan weli ka qeyb gelin kulamada.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa socday dadaalo ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo dhuusamareeb ku sugan,kuwaas oo isku dayaya in Madaxwyene Xaaf uu wadahadal la galo Dowladda Federaalka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ogolaaday wadahadalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan wada qorsho ku aadan in Bisha July ee soo socota in deegaanada Galmudug ay doorasho ka dhacdo,balse taasi uu diiday Madaxweyne Xaaf,waxaana taasi ay sii xoojisay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed  Ducaale Geelle Xaaf.

Gaadiid dagaal iyo Ciidan fara badan oo kasoo kicin timay Magalada Gaalkacyo ayaa ku sugan duleedka Dhuusamareeb, kuwaas oo doonayay in Madaxweynaha Galmudug ay kasoo wadaan Magalada Dhuusamareeb,hayeeshee loo diiday inay galaan Magaaladaas, waxaana weli socda kulamada lagu soo afjarayo khilaafka si ay doorasho uga dhacdo Galmudug.