Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Marxuum Yuusuf Xaaji.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dowladda Puntland oo ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Guddiga qaban qaabada aaska waran ayaa kala ah:

1: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud Gudoomiye

2: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) Xubin

3: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) Xubin.

4: Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle Xubin.

5: Gudoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed Xubin

6: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Xasan Aw-Cismaan Xubin

7: Siyaasi Cali Cabdi Awaare Xubin