Madaxweyne Deni oo ka hadlay Geerida Dr. Saalax Xaaji

Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Dr. Saalax Xaaaji Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuumku waxa uu ahaa dhakhtarkii lafaha ee ugu waynaa Puntland, waxaana uu aas-aasay cisbitaalka lafaha Carmo, kaas oo shaqo muhiim ah u qabta shacabka Soomaaliyeed ee uga yimaadda Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya, waxa uu ku suntanaa gacansiinta shacabka tamarta yar, wuxuu si gaar ah xaaladdooda caafimaad ula tacaalijirey ciidamada geesiyaasha ah ee ku dhaawacma, iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland iyo bahda dhakhaatiirta geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Saalax Xaaji, si gaar ah waxa uu uga tacsiyaynayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.