DF Soomaaliya ka hadashay Afgambigii dhicisoobay ee Itoobiya (Akhriso)

Dowlada Federaalka ah Soomaaliya ayaa cambaareysay isku daygii afgambi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaasoo lagu dilay masuuliyiin iyo saraakiil badan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa tacsi loogu direy Dowlada Ethiopia madaxdii lagu diley weeraro ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo magaalada Bahir Dar, oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Taliyihii guud ee ciidamada dowlada Ethiopia.