VIDEO: Madaxweyne Farmaajo “Maamul Goboleedyada Waxaan isku Heynaa Awoodaha Wadanka”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay Khilaafka sii xoogeystay ee ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhawaqa ka yeeraya Dowlad Gobaleedyada uu qeyb ka yahay Isbedelada ka socda dalka, oo uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah.

Sidoo kale, Mr. Farmaajo ayaa xusay in uu doonayo in Soomaaliya ay ka dhalato Dowlad Dhexe oo leh Go,aan dalka, ayna Dowlad Gobaleedyadu noqdaan Adeegayaal.

Isagoo ka qeyb-galayay Madaxweynuhu Xafladda Qalinjabinta Dufcaddii koowaad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed tan iyo markii dib loo hawlgaliyay sanadkii 2014-kii, ayuu ka dalbaday arday inay ku garab istaagaan Damacood.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid banaanka soo dhigay Eedeymo ay u jeediyeen Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kuwaas oo ku eedeeyay Mr. Farmaajo inuu kasoo hor-jeedo nidaamka Federaaliisimka, oo ah kan uu ku dhaartay inuu Dadka Soomaaliyeed ugu adeegayo.