Deg Deg: Wasiirka Amnigga Jubbaland oo Shir Isugu Yeeray Musharaxiinta u taagan Madaxtinimadda Jubbaland.

Shir dag dag ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta wasaarada amniga Jubbaland iyo musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Kismaayo

Shirkaan ayaa looga hadlayay sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada Jubbaland. wasiirka wasaarada amniga jubbaland Cabdi rashiid janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii nabada loo wada Shaqeyn lahaa.


Cabdi naasir Seeraar Maax oo u hadlay musharixiinta Jubbaland ayaa shergay in ay ka wada hadleen in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nabad galyada.


Seeraar ayaa sheegay in wasaarada ay ka wada hadleen in dadka taageersan musharixiinta amnigooda la ilaaliyo taageerayaashoodana aanan dhibaato loo geeysanin.


Xildhibaan Cabdi rashiid Maxamed Xidig oo isna ku hadlay afka Musharixiinta ayaa dhankiisa sheegay in si guud looga wada shaqeeyo nabadgalyada.