VIDEO: Qareenkii difaacayay Ragii Kufsaday Caa’isha ilyaas oo la amray soo xiristiisa

Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa amartay in la xiro qareenkii u doodayay saddexda nin ee ku eedaysan Kiiska Caa’isha Ilyaas.

Qareenka oo lagu magacaabo Mustafe Maxamed Jaamac ayaa xeer ilaalinta gobolka Nugaal codsatay xabsi xalaalayntiisa, iyagoo kusoo eedeeyay aflgaado, cay iyo iska horkeenis shacabka iyo dowladda Puntland.

Maxkamada oo maanta dhagaystay Kiiska Caa’isha ayaa maalinta beri ah ku dhawaaqaysa go’aankii u dambayeeyay.