VIDEO: Ciidamadii Ahlusunna oo lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Ciidamadii ka tirsanaa Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 2/7/2019 waxaa lagu wareejiyay dowladda Federalka Soomaaliya, kadib heshiiskii Xubnaha ahlsunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad Maanta ka dhacday Xerada qaybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed  ee duleedka dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada xoogga iyo Asluubta iyo sidoo kale Madaxa fulinta ee Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya oo hadal kooban u jeediyay Ciidamada ayaa marka hore uga mahad celiyay Ahlusunna kusoo wareejinta Dowladda Federaalka gaar ahaan taliska Ciidanka xoogga dalka, iyada oo uu goobjoog ahaa taliyaha Ciidanka xooga Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe).

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Ciidamada kula dardaarmay inay noqdaan kuwa meeshooda kasii wada u Shaqeynta dalkooda iyo dadkooda,waxaana uu u sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay sirsami ah uga mid noqdeen ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed, isla markaana xaquuq ay ku leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada oo Boqolaal gaaraya ayaa isla Maanta waxa la marsiiyay Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka