VIDEO: Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiish-ta PL

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta booqday xarunta Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ee 54-aad, ayaa kulan kula qaatay xerada qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Pntland.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiish-ta oo ahaa mid qaatay Saacado dhowr ah ayaa looga arinsanaya tayeynta iyo Tirakoobka Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay kala daadsanaa.

Madaxweynaha Puntland oo ay wehlinayaan Qaar kamid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid yahay Gen. Maxamed Siciid Morgan, ayaa ku amray Saraakiisha Hoggaamisa Ciidanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu keenaan Qorshaha dib u yagleelida Ciidanka Daraawiish-ta Puntland.

Booqashada Madaxweyne Deni ee Xerada Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ee 54-aad, ayaa kusoo aadeysa maalmo uun kaddib markii Madaxweynuhu uu Taliye cusub u Magacaabay Ciidanka Difaaca, kuwaas oo muddo hoggaan la,aan ahaa.