Video:-Maxay ka carootay Dowlada Somaliya?

Dowlada Somaliya waxay si xoog leh uga carootay booqashadan iyo hab maamuskeeda ee Madaxweyne Biixi-ga Somaliland ku gaaray dalka Gini.

Hab dhaqanka Dowlada Geni,ayaa la oran karaa waxay baalmarsan tahay xeerarka caalamiga ah waxayna xadgudub cad ku tahay midnimada iyo qaranimada Somaliya.

Maamulka Somaliland waa qayb ka mid ah Somaliya oo tirsanaysa eedo ay sheegeen in ay ka gashay Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Guud ahaan Somaliya,ayuu Kacaankii Siyaad Barre ka sameeyay xadgudubyo ka baxsan baini’aadantinimada,balse maamulka Hargaysa ee ay horboodaan siyaasiyiinta u dhashay beesha Isaaq waxay si gaar ah usheegtaan in iyaga la xasuuqay.

Bulshada Somaliyed qaybaheeda kala duwan waxay si weyn u dhibsadeen talaabada Madaxweynaha Geni uu ugu yeeray Muuse Biixi Madaxweynaha Dalka Somalialnd iyo waliba hab maamuuska uu siiyay.

Dowlada Kenya,ayaa todobaadyo ka hor la kulantay wafti ka socday Somalialnd,inkastoo aysan gaarsiin hab maamuus heer Qaran ah,hadana waxay umuujisay soo dhaweyn.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka