Musuq-maasuq baahsan oo hareeyay Fiisooyinka Xujeyda Soomaaliyeed (Warbixin)

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa weli la’ Fiisooyinkii ay ku aadi lahaayeen Dhulka Barakeysan ee Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, kaas oo ay kusoo gudanayaan Rugniga Xajka oo kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka.

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan kordhisay Tirada Xajeyda Soomaaliyeed ee tagaya dhulka Barakeysan, kaddib markii cariiri badan uu sanadihii dambe ka dhashay Tirada Dadka doonaya inay Xajiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay Qeybinta iyo soo kala saarista Shirkadaha qaadaya xujeyda, arrintaas oo meesha ka saartay daabulida Xujeyda oo horey ugu koobneyd shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa, uuna u xirnaa mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa soo food-saaray Jahwareer cusub oo ku aadan in aanay weli meel ku ogeen Fiisooyinkii ay ku tagi lahaayeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la Musuq-maasuqa Qaybsiga xujeyda qaadistooda, kaddib markii dhaqaale la siiyay Guddiga loo xil saaray kala saarida Shirkadaha.

Shabakadda Idil News, ayaa heshay Xog horu-dhac ah oo ku saabsan Shirkadaha la siiyay Qaadista Xujeyda Degaanada Puntland iyo Tirada Xujeyda ay shirkad walbaa heshay:

  • Freedom air 400 oo xaaji.
  • Carafaad 400 oo xaaji
  • Ocean air 300 oo xaaji Saj 200 oo xaaji
  • Makka travel 200 oo xaaji
  • Federal 100 xaaji

Sidoo kale, Shirkadaha Daallo iyo Jubba ayaa la siiyay 2000 oo Xaaji.

Si kastaba ha ahaatee, Xujeyda Soomaaliyeed ayaa haatan heysan Cid ay kala xariiraan, Iyadoona horey loo diiwaan-geliyay, waxaana ay buux dhaafiyeen Magaalooyinka oo ay ku sugayaan inay helaan cidii u qaadi laheyd dhulka Barakeysan.