VIDEO: Hanti-dhowraha Guud ee Puntland oo maanta hor-tagaya Baarlamaanka

Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland, ayaa lagu wadaa inuu maanta hor-taggo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, si su’aalo looga weydiiyo Warbixin uu u gudbiyay Guddiga Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha ee Golaha.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay kulamadooda uga doodayay Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii,  ayaa Hanti-dhowraha Guud ku eedeeyay inuu gabay Shaqadiisii.

Guddiga Xisaabaadka ee Golaha Wakiilada oo shalay u gudbiyay Warbixintooda Xildhibaanada ayaa Sheegay in Hanti-dhowruhu uu soo gudbiyay Warbixin, taas oo uu ku cadeeyay in la hareermaray Miisaaniyadda, balse isagu gabay shaqadiisii.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka dalbaday Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Puntland inuu Golaha hor-yimaado maanta oo axad ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed.