Odayaasha dhaqanka Gaalkacyo oo shuruud adag ku xiray la kulanka R/wasaare Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah shalay gelinkii dambe uga ambabaxay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo xalay kulamo ka waday Gudaha Magalada Gaalkacyo, iyaga oo la kulmay Maamulka degmada iyo kan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo kala hadli doona tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka iyo dhismaha Galmudug mideysan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay tagey Magaalada Cadaado si uu ula kulmo Odayaasha Dhaqanka Cadaado, hayeeshee la sheegay inay diideen inay la kulmeen,iyaga oo sheegay in uu balamo hore uga baxay.

Dhanka kale, Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gaalkacyo ayaa shuruud uga dhigay la kulanka Ra’iisul Wasaaraha in uu ka warsugo kulan 10-k Bishaan ay Gaalkacyo ku yeelanayaan Odayaasha & Waxgaradka Gobolka Mudug.

Xaalada Maamulka Galmuudg ayaa weli u muuqata mid aan hagaagin,waxaana jira tabashooyin ay qabaan Beelaha qaar ee dega deegaanada Galmudug, waxaase xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku guuleystay in Ciidamadii Ahlusunna la qarameeyo kuna biiraan kuwa dowladda Soomaaliya.