VIDEO: Axmed Madoobe “Afka Soomaaligu wuxuu qarka u saaran yahay inuu Dhabar go’o”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Sheegay in Af-Soomaaligu uu ku dhow yahay inuu ka dhabar go’ Caalamka, uuna kamid noqdo Luuqadaha dunida ka jiri jiray ee haatan dhabar go’ay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Aqoon-yahanada inay u istaagaan Ilaalinta iyo Uruurinta Afka Soomaaliga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo hadalkan ka sheegay casho sharaf uu u sameeyay xalay Qorayaasha ka qaybgalaysa Bandhiga Carwada Buugaagta Kismaayo, ayaa tibaaxay in loo baahan yahay in Qora-yaashu ay ka digtoonaadaan inay qoraan Buugaag loogu gafayo Qof ama Bulsho.