VIDEO: Wasiir C/llaahi “DF waa ay Siyaasadeysay Mustaqbalka Ardayda Puntland”

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa fariin adag u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay Siyaasadeysa Mustaqbalka ku dhawaad 5000 oo arday oo Reer Puntland ah, taasna ay tahay arrin aysan aqbali doonin.

Wasiir C/llaahi ayaa tibaaxay in wax lala cajabo ay tahay Qorshaha aan jihada la heyn ee in dhaweydba uu waday Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka C/llaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in laga feejignaado in la wax yeeleeyo Mustaqbalka Ardayda Reer Puntland, ayna tahay arrinta la xariidha Shahaadadooda mid ay ka wada dharagsan yihiin Shacabka Puntland.


Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta ka hadlayay Munaasabad lagu shaacinayay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare ee Puntland.