Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Talyaaniga ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulanka ku wehelinayay xubno katirsan golayaasha Dowlada, waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Safiirka Dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo Campalina ayaa sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha amaank iyo dagananshahu ay noqdaan mid wanaagsan.

Dhanka kale, Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay taageerada Dowlada Talyaaniga ay siiso Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii hore ee la xiriiray arimaha hormarinta.