Akhriso: Beesha Digil/Mirifle oo ka digtay Fara-gelin lagu sameeyo Doorashada Jubbaland

Beesha Digil iyo Mirifle oo Shir Wada-tashi ah ku yeelatay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa digtay in Fara-gelin lagu sameeyo Doorashada Jubbaland.

War-murtiyeed kasoo baxay Shirkan oo ay yeesheen Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Aqoon-yahanada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Digil iyo Mirifle ee Degaanada Jubbaland, ayaa lagu sheegay in Nabad iyo Hormar uu ka jiro degaanada Jubbaland, loona baahan yahay in la wada ilaashada.

Ugu dambeyntii, Beesha Digil iyo Mirifle ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay isha ku heyso Doorashada Jubbaland, ayna ka qeyb noqoto in laga baaqsado Fara-gelin lagu sameeyo Doorashada.

Akhriso War-murtiyeedka Kasoo baxay Doorashada Beesha Digil iyo Mirifle.