VIDEO: Puntland “Socdaalka Kheyre waa mid lagu burburinayo Galmudug”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdifitaax Xaange, ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay saacad joogay Waqooyiga Gaalkacyo uu ku tuntay Hab-maamuuska Madaxda ee ay ku caan baxday Dowladda Puntland.

Wasiir Xaange ayaa sheegay in wax lala cajabo ay tahay in Ra’iisulwasaare Kheyre uu door biday in Dhalinyaro iyo Durbaan, uu dhaafsado Hab-maamuuskii loogu tala-galay, balse Puntland horey uga dharagsaneyd qorshihiisa.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdifitaax Xaange, ayaa tilmaamay in socdaalka Kheyre ee Galmudug uusan aheyn mid lagu dhisayo Galmudug, balse uu yahay mid lagu burburinayo  hanaanka Dowladeed ee dadkaas ay heleen.