Ciidanka Dowladda oo la wareegay Degaano cusub

Howlgalkaan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxana uu howlgalka aha mid ka dhan ah Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo deegaanadaasi ku sugan.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 ka tirsan Al–habaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa si dardar ah kuwado howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka maamulaan Gobolada dalka,kadib howlgallo ay siwadajir ah u fuliyaan.