VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo eedeeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Guddiga Wada-hadalada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax lala yaabo uu yahay Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin dad aan u qalmin Matalaada iyo Wada-hadalada labada dhinac.

“Gobollada Woqooyi Ee Sool Sanaag Iyo Cayn Ee Maamulada Puntland iyo Somaliland Kala Sheeganayaan in Khilaaf Ka Jiro Ma Inkirikarno, Lakiin Wixii Is Khilaafa Ayey Tahay in Ay Xal Ka Gaadhaan Waana Ku Baaqayaa Arinkaas in Xal Laga Gaadho, Lakiin Waxaa Khalad Ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya Ay Ku Soo Darto Dad Aan Xalka Qeyba Ka Noqon Karin Ama Qaarkood Lagu Tuhmayo Hurgumada Taalla in Ay Qeyb Ka Yihiin, Waa Nasiib Darro, Waxay u Baahan Tahay in Dib loo Eego” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland