Shiikh Maxamed Macallin oo Booliska Bosaso ay qabteen

Shiikh Maxamed Macalin Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Wadada dhexmarta Bartamaha Boosaso ayaa goordhow Ciidamada Amaanku ku xireen magaalada Boosaso.

Wadaadka ayaa maalmihii u danbeeyay Safar oga maqnaa Boosaso, iyadoo ay horay u xirnaayeen Sadex xubnood oo ka tirsan Guddigaasi oo loo heysto Lacag ay u soo dirtay Dowladda Fedraalka ah.