VIDEO: Madaxweyne Deni oo si rasmi ah u shaaciyey Shirka Maal-gashiga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa si rasmi ah u shaaciyay Shirka Maal-gashiga Puntland, kaas oo dhowaan la filayo in lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Shirkan oo ay kasoo qeyb-galayaan Maal-gashadayaal caalami ah oo dalka iyo Dibediisa ka socda, uu qabsoomayo 15 bisha September ee sanadkan 2019-ka.