Qardho Oo martigalinaysa shir caalami ah

Magaalada Qardho oo marti gelin doonta Shir looga hadlayo Mashaariicda JPLG.

Xarunta Gobolka Karkaar Magaalada Qardho ayaa beri si rasmi ah looga daah-furi doonaa shir looga hadlayo mashaariicda JPLG oo ah kuwa ay iska kaashadaan Dawlada Dhexe ee Puntland, Hay’adaha deeq bixiyaasha ah iyo Dawladaha hoose. Mashaariicdaan oo ka socda degmooyin ka tirsan Puntland ayaa isugu jira dhismaha wadooyinka, dayactirka xarumaha dawlada iyo dhismayaal cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa si rasmi ah u daahfuri doona shirkaan, waxaana goob joog ka ahaan doono haduu rabi idmo gudoomiyayaasha degmooyinka Puntland qaarkood, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland iyo Madax ka socota Hay’adaha Caalamiga ah.

Shirkaan heerkiisu sareeyo ayaa horay uga dhici jiray wadamada dibada, waxaana sanadka laysla qaatay in Magaalada Qardho ay martigeliso. Magaaladaan ayaa kaalinta koowaad ka gasha Qiimaynta mashaariicda JPLG.

Xigasho:-M.Nadiif